Tuesday, May 30, 2017

thumbnail

Weeraradii ugu cuslaa oo lagu qaadi doono Al-Shabaab inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan

Taliska Guud ee AMISOM ayaa maanta ku dhawaaqay inay qaadayaan weeraro ka dhan ah Al-Shabaab, inta lgu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.


Taliyaha ayaa kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Baydhabo.
Waxa uu sheegay AMISOM in ay kala hadleen sidii bishan Ramadaan loo qaadi lahaa guluf colaadeed oo ka dhan ah ururka Al Shabaab ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.
Jen. Cusmaan Nuur Subagle Taliyaha Guud ee AMISOM ayaa maanta ka sheegay magaalada Baydhabo inay isku diyaarinayaan howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa kulan kula qaatay magaalada Baydhabo saraakiil ka tirsna milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howl gala magaalada Baydhabo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in saraakiisha uu kala hadlay sidii loo qaadi lahaa howl gal ka dhan ah Al-Shabaab, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan
Sidoo kale waxaa uu sheegay saraakiisha labada dhinac in uu kala hadlay sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran, si dadka loo gaarsiiyo gargaar ay u baahan yihiin.
Hadalka taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ayaa xili maalintii shalay weerar loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM oo ka soo anbabaxay magaalada Marka, waxaana weerarka ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *