Wednesday, May 31, 2017

thumbnail

WASAARADA HAWLAHA GUUD EE SOMALILAND OO JOOJISAY BAABUURTA DOWLADA EE TAARIKADA SHACABKA LAGU XIDHO

Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Joojisay Baabuurta Dowlada Ee Taarikada Shacabka Lagu Xidho
Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Joojisay Baabuurta Dowlada Ee Taarikada Shacabka Lagu Xidho+Sababta.




Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta Iyo Gaadiidka Somaliland Muddane Cali Xasan Maxamed ayaa degreeto xambaarsan awaamiir culus ka soo saaray gaadiidka dawladda ee ay ku xidhan yihiin numberka cad ama numberka somaliland kaas oo ku xidhan gaadiid badan oo dawladu leedahay.
Wasiirka Hawlaha guud,guryeynta iyo gaadiidka somaliland markuu arkay muhiimada ay leedahay ilaalinta hantida qaranka iyo siyaasada guud ee ay dawlada somaliland ka leedahay ilaalinta hantida ummadda wuxuu si cad far waaweyn ugu dhigay in Maanta laga Bilaabo La joojiyo gaadiidka dawlada ee lagu xidho numberka somaliland
Waxaana wasiirka hawlaha guud guryeynta iyo gaadiidka somaliland muddane cali xasan maxamed (cali mareexaan) uu si adag u joojiyay in gaadiidka dawladu leedahay lagu xidho numberka somaliland. waxaanu sidoo kale wasiirku faray wasaaradaha dawladda iyo hay’addaha madaxbanaan ee xukuumadu inay dhaqan galiyaan wareegtadan soona xareeyaan numberka cad ee ay sitaan hadda.
Sidoo kale wuxuu wasiirku ku wargaliyey taliyaha ciidanka booliska somaliland inuu si dhakhso ah uga hawlgalo dhaqan galinta wareegtadan si loo sugo amniga qaranka iyo tan hantida qaranka ee dhinaca gaadiidka dawladda.
Digreetadan Ayaa Kasoo Baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta JSL
Mudane Cali Xasan Maxamed.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *