Monday, May 1, 2017

thumbnail

Ciidamada DF iyo Shabaab oo dagaal culus uu caawa ka dhex socdo

War goordhow naga soo gaaray Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi laga maqlaayo Rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka socdo deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, waxa uuna dagaalka bilowday kadib markii Maleeshiyada ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo Degaanka Number 50, waxa ayna intaa kusii darayaan in leysu adeegsanaayo Hubka culus.
Saraakiisha Dowlada ee ku sugan Degaanka Number 50, ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu bilowday galabta isla markaana uu hadda yahay mid socda.

Sidoo kale, Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow iyana baahisay in dagaal xoogan uu hadda ka socdo Degaanka Number 50, isla markaana ay ciidamada dowlada iska difaacayaan Al-shabaabka weerarka kusoo qaaday.
Geesta kale, Dagaalkaani ayaa barbar socda dagaal ay Maleeshiyada Al-shabaab xalay ku qaaden tuulooyinka u dhow deegaanka Lambar konton ee gobolka Shabeelada Hoose.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *