Thursday, May 11, 2017

thumbnail

Akhriso Khudbadii qiirada laheyd ee uu Farmaajo ka jeediyey shirka London oo dhameystiran

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirka London ka jeediyey khudbad furitaan ah oo si weyn loo soo diyaariyey, waxaana caasimadda online soo gaaray noqol kamid ah Khudbadaas, waxaana idinla wadaageynaa qodobadii ugu muhiimsan ee uu Farmaajo kaga hadlay khudbadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marki hore sharaf weyn ku tilmaamay inuu ka qeybgalo shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya weliba lagu qabto Magaalada aadka u qurxoon ee London, wuxuuna sheegay inuu farxaddaas la wadaagay dhammaan ka qeybgalayaasha Shirka London, Wuxuu tilmaamay in Shirka London uu kusoo aaday xilli ay shacabka Soomaaliyeed u baahnaayeen:
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isagoo ka faa’ideysanayo fursadaan qaaliga ah uu u mahacelinayo Ra’isulwasaaraha Ingiriiska Theresa May iyo dowladeeda oo ah marti geliyaha Shirkaan, shirkaan wuxuu sheegay inuusan aheyn midkii ugu horeeyey oo ay UK u qabato Soomaaliya (Mahadsanid Ra’isulwasaare) ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa tilmaamay sida laga warqabo inay Soomaaliya ka dhacday doorasho taariikhi ah 8th February 2017, maalintaas oo ay Baarlamaanka Soomaaliya u codeeyeen inuu dalka ka dhaco isbadal toos ah midaasna shacabka Soomaaliyeed ay si weyn usoo dhaweeyeen, waxaana doorashadaas ku guuleystay ayuu yiri anigoo ah Farmaajo waxaana ka war qabaa inay shacabka Soomaaliyeed kalsooni badan igu qabaan.
Wuxuu tilmaamay inay Shacabka Soomaaliyeed dowladda uga fadhiyaan sidii ay u qaban laheyd waxyaabaha asaasiga ah sida amniga, waxbarashada iyo Caafimaadka, ayna yihiin kuwaan rajada ugu weyn ee shacabka ka qabaan Dowladda.
Farmaajo ayaa sheegay in Doorashadii ka dhacday Soomaaliya iyo qaabkii nabadgalyda aheyd ee xilka loo wareejiyey inay muujineyso inay Soomaaliya tusaale u tahay Dimoqraadiyada, isla markaasna ay rajo soo gelisay wadamo badan oo adduunka kuwaas oo aan heysan xasilooni.
Wuxuu tilmaamay iinkastoo ay jiraan caqabado badan oo dowladiisa hor yaal, haddana wuxuu xusay inay fullin doonaan dhammaan ballanqaadyadii ay sameeyeen, oo ay ugu horeeyeen seddex qodob ee Soomaaliya dishay oo kala ah:  Argagixisada, Musuq maasuqa iyo faqriga, wuxuuna tilmaamay in ka guuleysiga seddexdaan qodob lagu gaari karo dhisidda hey’adaha kala duwan ee dowladda, lana heli ciidamo awood leh oo Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Farmaajo ayaa tilmaamay in isagoo bilaabayo horumarinta Soomaaliya uu Ra’isulwasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo uu ku tilmaamay inu yahay nin horey usoo maamulay dhinacyada bini’aadanimada iyo dhanka horumarka uuna yahay ganacsade guuleystay.
Farmaajo ayaa tilmaamay iyadoo laga faa’ideysanayo khibradda Xasan Cali Kheyre iyo wadatashi lala sameeyey qeybaha kala duwan ee Soomaliyeed in lasoo magacaabay gole wasiiro oo ay ku jiraan 5 wasiir oo dumar ah, sidoo kalana ay 85% yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, oo uu ka mid ahaa wasiir Cabaas oo kusoo barbaaray xerada dhadhaab oo ah xirada xaqooti ee ugu weyn ee adduunka, wuxuuna sheegay inuu qeyb ka lahaa isbadalka ku dhacay Soomaaliya isagoo nasiib u xumo ku tilmaamay in maalmaha ka hor uu dhintay balse ay weli heystaan dhaxalkii uu uga tagay.
Wuxuu sheegay inay dowladiisa ku dadaali doonto sidii ay si wanaagsan iskula shaqeyn lahaayeen dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada si wanaagsan loo fuliyo Federalismka oo qorshiisa lasoo bilaabay sanadkii 2004, wuxuuna xusay inay u midoobeen sidii shacabka Soomaaliyeed loogu adeegi lahaa ayna dowladda ku dhisnaan doonto cadaaladda iyo maamul Wanaag.
Farmaajo ayaa wax laga mahadceliyo ku tilmaamay inay Soomaaliya gaartay ujeedkii ay laheyd, madaama ay Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe isku afgarteen dhisidda golaha amniga qaranka, wuxuuna tilmaamay in qorshahaan uusan kaliya xal u aheyn arrimaha amniga balse uu yahay qorshe si weyn ahmiyad ugu leh Soomaaliya, isagoo tilmaamay in madaxda maamul Goboleedyada ee halkaan fadhiyo iyo dowladda dhexe ay ka wada hadleen sidii loo sameyn lahaa iskaashi.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyey inay dhinacyada daneenayo Soomaaliya ay kala hadli doonaan waxyaabaha danta ugu jirto Soomaaliya, wuxuuna ku faanay inay ka ka wada hadli doonaan qaabka loo qeybsan doono kheyraadka dabiiciga ah iyo kuwa qaranka, isagoo ka dhawaajiyey in waxaas oo dhan loo bandhigi doono dastuurka isagoo ku faanay in haddii ay yihiin madaxda Soomaaliya uu dastuurka yahay midka isku keenay.
Si kastaba, wuxuu Farmaajo khudbadiisa ku sheegay inaysan joojin doonin dadaalada siyaasadeed, isla markaasna bilaha soo socdo ay meel marin doonaan sharciga xisbiyada si xildhibaanada iyo dhinacyada kale ee siyaasadda daneenayo ay u dhistaan xisbiyo sharci ah midaasna ay muujineyso inay dowladda goosataya sidii loo heli lahaa firfircooni siyaasadeed oo taagerto habka xil gudashada ugu haboon dimoqraadiyada, xoriyadda isku imaatinka kuwaas oo dhammaantood ah kuwa ku qoran dastuurka.
Farmaajo ayaa ka hadlay sidoo kale qoshaqadda cusub amniga qaranka lagu sugi doono, wuxuuna midaas ku tilmaamay inay ka saacidi doonto Soomaaliya sidii loo heli lahaa ciidamada Soomaaliyeed awood leh iyo boolis sugo amniga, wuxuuna kalsooni ka muujiyey inay Al-Shabaab si dhab ah uga adkaan karaan iyagoo kaashanayo howgalka Midowga Africa sanadaha soo socdo, midaasna ay ka caawin doonto inay la wareegaan meelaha kale oo ay Al-Shabaab ku sugan yihiin ayna dhisi doonaan maamul maxali ah iyadoo la kaashanayo maamul Goboleedyada xubinta ah dowladda federaalka, isagoo xusay in bulshooyinka Soomaaliya ku fiican yihiin in ay la shaqeeyaan kaalinta Dawladaha Hoose, gobolka iyo dawladda dhexe si loo xasiliyo dalka.
Farmaajo ayaa Khudbadiisa ku xusay qodob muhiim ah oo in Soomaaliya laga qaado cunqabateynta saaran, maadama loo baahan yahay inay Ciidamada Dowladda helaan qalab Militari oo casri ah, wuxuuna sheegay inay ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ay ku wada dagaalami jireen qoryahaya fudufud gaar ahaan AK47, balse markii qeyb ka mid ah cunaqabateynta hubka laga soomaaliya sanadkii 2013 ay midaas keentay inay Ciidamada dowladda helaan hub ka fiican midka ay Al-Shabaab ku dagaalamaan midaas ay keentay in jab loo gesto, sidaas darteedna hadda loo baahan yahay in guud ahaan cunqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya si ay dowladda usoo iibsato hubka culslus, wuxuuna ballan qaaday inay hey’adaha amniga iyo dhaqdhaqaaqa hubka la socon doonaan.
Madaxweynaha ayaa ballan qaaday inay dhisi doonaa guddiyo xagga amniga ah si loo fuliyo qorshooyinka amniga ah ee lagula dagaalamayo ururka Al-Shabaab isla markaasna lagu dhisayo ciidamo Soomaaliyeed , sidoo kalana ay sameyn doonaan waaxyo amni iyo xafiiska amniga qaranka oo dhammaantood isla wadajir ah iskula shaqeyn doono.
Wuxuu sheegay inaan amniga Soomaaliya la sugi karin haddii aan la xallin xididka hoose ee arrintaas sababi karo oo uu ku tilmaamay inay tahay gaajada iyo shaqo la’aanta baahsan, wuxuun sheegay in shaqo la’aanta heysato dhallinyarada ay sababtay inay argagixisada ciidan ahaan u qortaan, isagoo codsaday  in la xaliyo mushkiladaas iyadoo loo marayo qorsho kabasho dhaqaale oo xoog leh, wuxuuna tilmaamay in arirmahaas loo kala hormarin doono sida ay ugu qoran tahay Qorshaha Horumarinta Qaranka National Development Plan ( NDP), wuxuuna ballan qaaday inay ganacsatada Soomaaliyeed ka shaqeyn doonaan sidi dib loogu soo noleyn lahaa wax soo saarkii beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga.
Farmaajo ayaa carabka ku dhuftay in Dhaqaalaha Soomaaliya aysan ku filneyn inay maalgelin ku sameeyaan ilaha dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaysan misaaniyadda dowladda gaarsiisneyn heerkaas loona baahan yahay in la helo hey’ado maaliyeed oo caalami ah, isagoo farxad ku tilmaamay inay hadda bilaabeen inay la macaamilaan  bankiga adduunka IMF arrintaa ay fulisay wasaaradda maaliyadda.
Isagoo ka hadlayey deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, ayuu sheegay in shirkii dhawaan uu ka qeybgalay ee Jaamacadda Carabta lagu go’aansaday in dowladaha xubinta ay Soomaaliya u cafiyaan deymihii lagu lahaa, midaas ay uga mahadcelinayaan walaalaha jaamacadda Carabta ee isugu jiro rag iyo dumar.
Marka ay timaado horumarinta dhaqaalaha, hantida ugu weyn ee aan leenahay waa ruuxa ganacsi dadkayga ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ka dhawajiyey inay dowladiia ka shaqeyn doonto sidii loo dhiiragelin lahaa ganacsatada  Soomaaliyeed kuwooda yar yar iyo kuwa warbaahinta.
Cabaqadaha ugu weyn ee hor taagan awoodda hey’adaha Maaliyadda ayuu ku sheegay dhibaatada ka heysato la macaamiladda dhigooda caalamiga, midaas ay keentay in la isticmaalo xawaalado sanadkii ay Soomaalida isku dhaafsato 2 Bilyan oo Dollar, wuxuuna xusay inay ku dhibaatoodeen inay Bankiyo caalami ah ka helaan UK Iyo Mareekanka, waxaana midaas kasii daran ayuu yiri in mararka qaar lacagahooda la xayiro, wuxuu tilmaamay In xaqiiqdii arrintaas horumar lagu gaaray, balse hadda la joogo waqtigii la fududeyn lahaa helitaanka hey’ado Maaliyeed, midaasna ay sahro karto in dadka Soomaaliyeed ay helaan shaqooyin badan.
Wuxuu sheegay in waqti dheer ay xikmadda aheyd in Soomaaliya ay tahay dhibaato loo baahan yahay in la xaliyo, shacabkana ay yihiin kuwa fashiliyo waxqabadka dowladda, balse maanta wuxuu sheegay inay dowladiisa ka faa’ideysaneyso fursadda qaaliga ah ee hortaalo si loo helo Soomaaliya oo awood leh maadaama ay shacabka Soomaaliyeed u hanqal taagayaan dowladooda.
Farmaajo ayaa qeexay inkastoo shacabka Soomaaliyeed ay soo mareen dhibaato isugu jirto musiibooyin iyo kuwa ay dhexdooda isku sameeyeen, haddana wuxuu ku faanay inay maanta horumar weyn ka sameeyeen xagga isgaarsiinta, ayna kamid yihiin kuwa ugu horeeyo Africa dhanka xawaaladaha iyo isgaasiinta.
Wuxuu ujeedka dowladiisa ku sheegay inay tahay in tallaabo tallaabo loogu caawiyo shirkadaha inay ka faa’ideystaan kheyraadka uu Alle u hibeeyey Soomaaliya, wuxuuna macquul ka dhigay inay Soomaaliya maamulan karto siyaaadeeda, dhaqaalaheeda, isla markaasna ay si fiican usoo saaran karto macdanta ku duugay, ayna diyaar u yihiin in lala xisaabtamo haddii ay arrintaan ku fashilanto dowladiisa, isagoo ballan weyn ku qaaday inuu Soomaaliya horey usii wadi doono.
“ Waxaa horey Soomaaliya loogu soo qabtay shirar kala duwan, balse maanta dhacdooyinka way kala duwan yihiin, sababtoo ah waxaan idiin xaqiijin karaa inaysan Soomaaliya marmaba Soomaaliya dib usoo noqon doonin, waxa kaliya ee furan waa horumar iyo barwaaqo, waana sida ay doonayaan shacabka iyo dowladda, iyadoo shirkaan aan wada qeybaleyno looga doodi doono waxyaabo badan, waxaan idinka rajeenayaa inaad aamintaan inaan kasoo bixi doono ballankaan” ayuu Farmaajo kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.
Waxaan intaas kusoo dhamaatay khudbadii uu Farmaajo ka jeediyey Shirka London ka furmay, waxaana idiin soo turjuntay Caasimadda Online.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *