Madaxda idaacadda iyo telefeshinka BBC-da ayaa go’aan ku
gaaray in maamulka Somaliland ugu yeeraan "Jamahuuriyadda iskeed
madax-bannaanida ugu dhawaaqday”, arrinkaas oo ka cadheysiiyay Xukumada
Federalka Somaliya
Dhaqan galka era-bixintan ayaa waxaa lagu soo beegay
maalinta gooni isu taagga Somaliland ee 18-ka May.
Arrintan ayaa imaanaya, iyadoo BBC-da iyo Somaliland ay
gaadheen is fahan ku saabsan arrimo soo kale dhex gelay oo hakad geliyay
howlaha BBCda ee xafiiska Hargeysa,
Balse khilaafkan cusub ee dhaliyay eray-bixintaan ayaa keeni
kara in mar kale ay xiisaddu iska isku shareerto.
Xeerka cusub ee tifaftirka BBC-da ayaa bisha May lagu
kordhiyay erey-bixinta cusub ee "self-declared republic of Somaliland” oo
lagu turjumay afafka ay BBC-da ku hadasho, iyada oo la hergeliyay isla bishaas
markii la faafiyay.
Bishii March ee sanadkan ayay aheyd markii wafdi ka socda
BBC-da oo ay hoggaamineysay Caroline Karubi ay tageen Hargeysa, iyagoo Maamulka
Somaliland ka qanciyay cabasho ay u soo jeedisay BBC-da.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Caddaani
ayaa dhowaan ku eedeeyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da in aysan dhex dhexaad
ka aheyn arrimha Somaliland, isla markaana doodaha ay qabato ka qeyb geliyaan dad
ka soo horjeeda Somaliland.
BBC-da ayaa dhageystayaal iyo daawadayaal badan ku leh
gobollada waqooyi ee Soomaaliya ee uu Ingiriisku gumeystay, balse 1991-kii
iskood ugu dhawaaqay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments