Sunday, May 21, 2017

thumbnail

Diyaarad laga leeyahay Turkiga oo ka degi weyday Garoonka Aadan Cadde (Kadib maxaa dhacay)

Waxaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka degi waayay Diyaaradda Caalamiga ah ee Turkish Airlines xili ay rakaab ka qaadi laheyd Garoonka.

Diyaaradaani ayaa la sheegay in dhowr daqiiqo ay dul heehaabeysay Garoonka si ay u hesho Jawi ay ku degi karto, hayeeshee uma suuragalin inay soo caga dhigato.
Diyaaradaani ayaa la xaqiijiyay inay u bixi weyday lugaha kadib markii ay lasoo deristay cilad degdeg ah oo aan horay u heyn.
Sargaal ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa sheegay in sababta ugu weyn oo ay la dagi weyday dayaaradu ay aheyd hawada oo xumeyd.
Diyaarada Turkish Airlines ayaa la sheegay inay ka degatay magaalada Jabuuti, halkaasoo ay dhigtay rakaabkii ay u soo waday Muqdisho.
Sidoo kale, waxaa hakat ku imaaday safarka rakaabkii ay ka qaadi laheyd magaalada Muqdisho, kuwaa oo dib ugu dhacay maalinta beri ah.
Tani ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xili gudaha Asbuucaani ay sidoo kale Garoonka Muqdisho dib uga laabatay diyaarad kale oo awoodi weyday inay degto.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *