Thursday, May 11, 2017

thumbnail

Khasaaro intee la’eg ayaa ciidamada Ethiopia & Al-shabab kasoo gaaray dagaalka maanta ka dhacay G.Hiiraan?

Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal qaraaran oo dhexmaray ciidamo Ethiopian iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Garasyaani ee Gobalka Hiiraan, kadib markii Maleeshiyada Al-shabaab ay dhexda u gashay ciidamada Ethiopia.
Ciidamada Ethiopia ayaa dhexda loo galay xili ay kasoo baxeen deegaanka Halgan, waxaana halkaa ka bilowday dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray labada dhinac.
Dagaalka oo socday ku dhawaad laba saac, ayaa la sheegay in labada dhinac ay dalbadeen gurmad kuwaa oo sii daba dheereeyay dagaalka oo markiisa hore u muuqaal ekaa iska caabin.
Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab looga dilay ilaa lix maleeshiyo, halka ciidamada Ethiopia looga dilay Seddex Askari.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa sidoo kale dagaalka looga dhaawacay afar dagaalyahan, halka ciidamada Ethiopia dagaalka looga dhaawacay Todobo Askari, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha dowlada ee gurmadka u fidiyay ciidamada Ethiopia.
Geesta kale, Saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo maleeshiyada Al-shabaab ayaan wali ka hadal khasaaraha kasoo kala gaaray dagaalka.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *