Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dilka wasiirkii howlaha Guud loo marayo qaab xalin ku saleysan dhanka qabaa’ilka.
Warar aan heleyno ayaa sheegaya in odayaal kasoo jeeda dhanka dhalinyarada falka dilka geysatay ay wadaan waan waan ku aadan sidii loo sii deyn lahaa dhalinyarada falka ka dambeysay.
Waxaa ujeedada ay ka leeyihiin odayaasha ay tahay in qaab qabiil lagu dhameeyo dilka loo geystay wasiir Siraaji oo todobaadkii hore ilaalada hanti dhowrka qaranka ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in dadaalka ugu badan ay wadaan xubno ka tirsan aqalka sare iyo golaha xukuumada, kuwaasi oo doonaya in qaab qabiileed lagu xaliyaa dilka Siraaji.
Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay gaartay sheekada ku aadan in qaab qabiileed loo xaliyo dilkii wasiirka oo ay ka dambeeyeen askarta hanti dhowraha qaranka.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments