Tuesday, May 16, 2017

thumbnail

Qaar ka tirsan Musharixiintii uu Farmaajo ka guuleystay oo ku biiray Madasha Nairobi looga dhawaaqay

Ku dhawaad Boqol Xildhibaan ayaa dhawaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya uga dhawaaqay madal cusub oo ay ugu magac dareyn HORUSOCOD, waxaana madax looga dhigay Cabdirashiid xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba Caasimadda Online oo weli dabagal ku wado cidda ka dambeyso madashaan iyo siyaasiyiinta sida rasmiga ah uga mid ah ololahaan ayaa soo ogaatay inay Madasha cusub kusoo biireen  qaar ka tirsan Musharixiintii ka qeyb galay doorashadii dhawaan ka dhacay Soomaaliya ee uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo.
Sida xogta sheegeyso waxaa madasha si rasmi ah ugu biiray Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo kamid ahaa musharixiintii doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya u tartantay, waxaana la xaqiijiyey inuu si weyn usoo dhaweeyey dhismaha madashaan isagoo kamid noqday siyaasiyiinta xubnaha ka ah ama ka shaqeenayo sidii loogu guuleysan lahaa danah loo dhisay.
Cumar Cabdirashiid ayaa la sheegay in xilligii doorashada uu codka ugu shubay Madaxweyne Farmaajo markii uu kusoo baxay kaalinta seddexaad, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay musharixiin doorashada dhinac Farmaajo u riday,  maadaama uu heystay tiro badan oo Xildhibaano ah, lamana ogo sababta ku kaliftay inuu hadda kamid noqdo madal looga soo horjeedo dowladda Farmaajo.
Sidoo kale xog hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa muujineyso inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud fariin hambalyo ah usoo diray Xisbiga Daljir oo ah xisbiga dhigay gogoshada madashaan lagu dhisay.
Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegay inuu farriin halmalyo ah usoo diray qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta ugu sareyso xisbiga Daljir isagoo uga mahadceliyey dhismaha madashaan cusub ee looga soo horjeedo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.
Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa Doorashadii Soomaaliya ee uu Farmaajo ku guuleystay ka kala galay kaalmaha labaad iyo seddexaad, waxayna horey u ballan qaadeyn inay dowladda Farmaajo la shaqeyn doonaan lamana ogo waxa hadda ku kalifay inay kamid noqdaan madal lagu mucaaradayo dowladda cusub.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *