Wednesday, May 31, 2017

thumbnail

DEG DEG Qarax culus oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax gaadhi ayaa waxa uu Caawa ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgooyska Banaadir kaa oo lagu xidhay gaadhi uu lahaa Sarkaal ka tirsan ciidamada Asluubta.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu xidhay gaadhi uu lahaa Sarkaalkaasi xili ay la socdeen Gabadh u dhaxday iyo Cunug yar uu dhalay.
Sarkaalka Qaraxa loogu xidhay gaadhiga ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Xogeynta Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Bashiir Jaamac ”Bashiir Goobe”,sida laga soo xigtay Sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada.
Sarkaalka watay gaadhiga ayaa ka badbaaday Qaraxa waxaana ku dhaawacmay Haweeney la soctay oo la sheegay inay aheyd Xaaskiisa, halka canug yar oo dhabta ay ku heysay uu isna ka badbaaday Qaraxa.

Haweeneyda ku dhaawacantay Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inay ka go’day lugta, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaaya Qaraxyada lagu xidho gaadiidka ay wataan shaqaalaha dowlada iyo Saraakiisha ciidamada.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *