Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya dagaal fool ka fool ah oo Al-Shabaab iyo Ciidamada Ethiopia ku dhex maray Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Al-Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday xero ay magaaladaasi ka degan yihiin Ciidamada Ethiopia waxaana dagaalka uu ahaa mid aad u cuslaa.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu socday muddo saacado ah ayna maqlayeen hubka culus ee leys weedaarsanayay, waxaana dagaalka uu ahaa kii ugu xoogan badanaa oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Halgan tan iyo intii Ciidamada Ethiopia gudaha u galeen.
Waxaa sidoo kale jira khasaaro badan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyadoona Al-Shabaab markii dambe ay dib ugu laabteen Goobihii ay ka soo weerar tageen.
Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan gacanta ku dhigay Halgan kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Al-Shabaab, waxayna ilaa waqtigaas Magaalada la kulmeysay weeraro culus oo iga imaanayey Ururka Al-Shabaab.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla soo socodsiin doonaa Inshaa AllahSubscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments