Wednesday, May 24, 2017

thumbnail

Dowladda Soomaaliya oo lagu amray inay wadahadal la gasho ururka Al-Shabaab!

Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku amray inay wadahadal la gasho ururka Al-Shabaab oo dhibaato ba’an ku hayo shacabka Soomaaliyeed oo sidoo kalana dhibaato ku weyn ku ah shaqada Dowladda.

Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen howlaha guddiga iyo dib u heshiisiintii ay sameeyeen.
Guddoomiyaha guddigan Ismaaciil Macalin Muuse ayaa shaagay iney wax ka qabteen dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada dalka, lagana gaaray dib u heshiisiin dhab ah.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in dowladda laga doonayo in ay hirgeliso dib u heshiisiin dhab ah, dhinacyada dowladda kasoo horjeedana sida Al-shabaab aan xalkooda lagu raadin awood, balse wada hadal lalal galo.
“Mabda ahaan waxaan qabnaa in dowladda wadahadal la gasho lana heshiisiiso cid kasta oo Soomaali ah ee kasoo horjeedda, islamarkaana ogol iney miiska wada hadalka soo fariisato iyadoo aan wax shuruud ah ku xireyn, jumladdaan waxaa ku dhan haddii ay yihiin koox siyaasadeed, haddii ay tahay qabiillo si siyaasadeed u abaabulan, haddii ay tahay xoogag mucaarad oo dowladda kasoo horjeeda kol haddii ogolyihiin in miiska soo fariistaan ay dowladda heshiis la gasho, si looga gudbo caqabada ay dhalinayaan, waxaana kamid ah xoogga aan sheegeynno dagaalyahanna Al-shabaab, maxaa yeelay in muddo ah ayaa la dagaallamayey, mana aaminsanin in xoog Milatari lagu xallin karin waxyaabaha dalka ka jira” ayuu yiri guddoomiye Ismaaciil.
Dhinaca kale guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran ayaa ku baaqay in dib u heshiisiin siyaasadeed loo sameeyo maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca, isaga oo tilmaamay in Galmudug howlaha shaqo ee laga doonayo ay arrintaasi caqabad ku tahay.
Ugu dambeyn guddoomiye Ismaaciil Macalin Muuse ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay in guddigooda aanu shaqeyn, wuxuuna tilmaamay in shaqooyin badan ay soo qabteen, kuwo kalena ay haatan ku haminayaan iney qabtaan.
Ururka Al-Shabaab ayaan la ogeyn sida ay ku aqbali karaan inay wadahadal la yeeshaan dowladda Soomaaliya, maadama farqiga labada garab uu aad u kala fog yahay.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *