Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta gaadhay Dalka Jabuuti, halkaas oo uu
kulan kula qaadan doono Madaxweynaha Dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar
Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa kulan kooda uga wada hadli doono
xidhiidhka ka dhaxeeya labada Dal iyo sidii Dowladda Soomaaliya looga caawin
lahaa ladagaalanka kooxda Al-shabaab ee Xidhiidhka la leh ururka
Alqaacida.
Madaxweynaha Soomaaliya inta uu kugada jiro Booqashadiisa
waxaa uu khudbad ka hadleyso xaaladda Dalka ka horjeedin doona Baarlamaanka
Jabuuti ,sido kale waxuu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu
ku daah furayo Dekad Cusub.
Booqashada Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu ku
tagayo maanta Dalka jabuuti ayaa naqoneysa tii ugu horeesay ee uu ku tago Dalka
jabuuti tan iyo markii ladoortay.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments