Tuesday, May 30, 2017

thumbnail

Jawaari oo cadho kala dul dhacay Xildhibaanada dhaliila dowlada Farmaajo

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka ee sida ba’an uga soo horjeeda dowlada Federaalka ah


Jawaari waxa uu sheegay in xiligaani ay u muuqan sabab looga soo horjeesto dowlada, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inaysan aqbali doonin in si maalaayacni ah looga soo horjeesto dowlada.
Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay ku guda jirto bilihii ugu horeeyay sidaa darteedna uusan garan karin sababta ka danbeysa in laga soo horjeesto dowlada.
Waxa uu sheegay inay dhici karto in la mucaarado dowlada, balse loo baahan yahay in sababta lagu mucaaradaayo ay tahay mid cad oo lagu wada qancikaro.
”Maka soo horjeedno in la mucaarado dowlada, balse waxaan diidanahay in laga hor imaado dowlad ku guda jirta xasilinta dalka oo aan weli dhameysan 6da bil ee ugu horeysa”
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari , ayaa sheegay inay mudan tahay in lagu kalsoonaado dowlada Somalia, waxa uuna shaki galiyay in Somalia ay xiligaani u baahan tahay in dib loogu celsho xiligii ay kasoo gudubtay.
Sidoo kale, Jawaari waxa uu ku baaqay in tabashooyinka Xildhibaanada ay noqdaan kuwo u dhexeeya Madaxda Qaranka iyo Xildhibaanada baarlamaanka, waxa uuna ka digay in waxa ka dhexeeya labada dhinac ay gaaran shacabka.
Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay wajaheyso mowjado Siyaasadeed oo aysan xamili karin.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *