War hadda nasoo gadhay ayaa shegaya in Xabsiga laga sii daayay Weriye C/malik Muuse Coldoon oo Mudooyinkan ku xidhnaa Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madawayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu Cafis u fidiyay Wariye Samafale C/maalik Muuse Coldoon oo dhowr jeer la dalbaday sii deyntiisa.
Weriye C/maalik ayaa waxaa lagu sii daayay qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Axmed Siilaanyo.
Hogaamiyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Cafiska uu yahay dalab dhanka qoyska C/maalik Muuse Coldoon
Wariye C/Maalik Muuse Coldoon oo Magaalada Hargeysa lagu Xidhay 15-kii Bishii Febarayo ee sanadkan ayaa labo sano oo Xadhig ah lagu Xukumay 8-dii Bishii April ee aan soo dhaafnay.
Sidoo kale, deysmada Weriyaha ayaa waxaa kaalin ka qaatay Odayaasha dhaqanka Magaalada Hargeysa.Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments