Monday, May 8, 2017

thumbnail

Mas’uul sheegay in Shariif Xasan uu u janjeero dhanka Al-shabaab (Sababta)

Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyay in si dadban uu garab usiiyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah mudanayaasha Koofur Galbeed ayaa sheegay in Shariif Xasan uu is garabtaagayo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Shariif Xasan uu ka biya diidan yahay in ciidamada maamulka iyo kuwa AMISOM isku furan wadooyinka xiran.
Xildhibaan Dhubad waxa uu tilmaamay in Shariif Xasan uu is hortaag ku sameeyay qorsho la isugu furay rabay waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab ee Gobollada Baay iyo Bakool.
Waxa uu farta ku goday in iyadoo la doonayo howlgal ka dhan ah meelaha ay Gobolladaasi kaga sugan yihiin Al Shabaab lagu qaado uu is hortaag ku sameeyay Hogaamiye Shariif Xasan.
Waxa uu intaa raaciyay in Shariif Xasan uu u dhaqmaayo sida mas’uul xiriir dhow uu kala dhexeeyo Al-shabaab, waxa uuna cadeeyay in ficilka lagu diiday howlgalkaasi uu yahay mid lagu garab istaagayo Al-shabaab.
Xildhibaanka oo arrintaa ka hadlaayay ayaa yiri ”Is hortaaga Shariif Xasan waxa ay saameyn ku yeelatay shacabka deegaanadaasi Baay iyo Bakool ka tirsan ku nool ee Al Shabaab ay ku geedaaman yihiin, shariif waa inuu xaqiijiyaa danta uu ka leeyahay is hortaaga howlgalka”
Dhanka kale, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa isna ka gaabiyay howlihiisa shaqo iyo howlgalinta ciidamada amaanka ee la dagaalami lahaa Al-shabaab.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *