Saturday, May 27, 2017

thumbnail

Farmaajo oo ka hadlay wixii qabsaday markii uu xilka la wareegayey boqol maalin ka hor!

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa ka hadlady xaaladda dalka Soomaaliya markii uu xilka la wareegayey 100 maalin oo laga joogo.


Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey in markii uu xilka la wareegayey uu wadanka ku jiay xaalad amni oo aad u xun isla markaasna uu wadanka ku jiray xaalad halis ah.
“ Waxaan dhaxlay xaalado aad u xun oo ay kamid tahay mid amni inkastoo ay dowladihii hore dadaalo dheeri ah sameeyeen, Al-Shabaab weli halis weyn ayey ku yihiin dalka Soomaaliya” ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlayey 100-ka maalin ee u buuxsantay dowladiisa.
“ Waxaan la kulmay Xaalad dhaqaale oo aad u xun taasoo aysan dowladda xataa awoodin inay bixiso mushaaraadka Shaqaalaha iyo ciidamada Dowladda, Waxayna ciidamada Dowladda u baahan yihiin dhismo hor leh” ayuu sii raaciyey.

“ Awoodda dowladda ee dhanka Caafimaadka iyo waxbarashada aad ayey u liidataa, ma dhihi karo meel eber ah ayey aheyd balse caqabadaha na hor yaalay aad ayey u badan yihiin marka loo fiiriyo awoodeena” ayu mar kale yiri.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyey in dowladiisa ay meel cidla ah kasoo bilowday dhinac kasta oo kamid ah waxqabadka dowladda, isagoo tilmaamay inay la kulmeen xaalado  aad halis u ah oo ay ka tageen dowladihii hore.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *