Wednesday, May 3, 2017

thumbnail

Akhriso taariikhda wasiir Cabaas Siraaj oo caawa lagu dilay Muqdisho

Marxuum Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji Wasiirkii Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska: waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle.

Waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya.
Marxuumka Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya.
Waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Ururada ay ku mideysnaayen Ardayda Soomaalida ee Iskuulka iyo Jaamacada uu kasoo baxay.
Marxuumka ayaa Sideedii sano ee ugu danbeysay ku guda jiray howlaha la xiriira arrimaha Bulshada, waxa uuna inta badan caawin jiray dadka ay wax isla soo barteen ama kuwa ay ku adag tahay inay iska bixiyaan waxbarashada.
Marxuum Cabaas Siraaji, ayaa bishii November ku soo biiray Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo.
Marxuumka ayaa March 21,2017 kamid noqday Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre waxaana loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska.
Marxuumka ayaa ugu danbeyntii taariikhdu marka ay tahay May 3, 2017 inta u dhexeysa Salaada Maqrib iyo Cisho ku baxay gacanta Ciidamada DFS.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *