Saturday, May 6, 2017

thumbnail

XILDHIBAANDA BAARLAMAANKA MARAYKANKA OO WALAAC KA MUUJIYEY WAXA LAGU BEDELAAYO BARNAAMIJKII CAAFIMAADKA OBAMA CARE.

Senatarada xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa shaki ka muujiyay ansixinta barnaamijka lagu bedelayo kan daryeelka caafimaadka ee Obamacare, kaasoo ay shalay
ansixiyeen xubnaha xisbigaasi ee aqalka wakillada.

Barnaamijka cusub oo lagu magacaabay Xeerka Daryeelka Caafimaadka Maraykanka, ayaa waxa ay u badan tahay in wax ka bedel ballaaran lagu sameeyo, ka hor inta aanu codka u qaadin aqalka senate-ka.
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka digay in laallida Obamacare ay malaayiin qof oo Maraykan ah ay dhigi doonto caymis caafimaad la’aan.
Codadka lagu mariyay hindisahan ayaa ahaa afar cod oo keliya, ayadoo ay u codeeyeen 217 halka ay diideen 213, waana guushii ugu horaysay ee uu Trump ka gaaray mid ka mid ah ballaanqaadayadiisii ololaha doorashada.
Jamhuuriyiinta ayaa Senate-ka ku leh aqlabiyad aan sidaa u buurnayn, oo waxaa ka mid ah Senaterro doonaya in wax badan laga badelo sharcigan cusub ee la soo jeediyay.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu meesha ka baxayo barnaamijka Obamacare, oo uu ku tilmaamay mid ay shacabka rafaad badan ku qabeen.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *