Thursday, May 11, 2017

thumbnail

Nabadoon caan ah oo lagu khaarijiyay magaalada Muqdisho (Magaca)

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goordhow magaalad Muqdisho ku toogtay mid kmaid ah Nabadoonada soo xulay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Nabadoonkaani la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Sayid Cali Cismaan Abtidoon waxa uuna dilkiisa ka dhacay Xaafadda Albaraka ee Degmada Hodan.
Dilka Nabadoonka ayaa la xaqiijiyay inay geysteen Seddex ruux oo ku hubeysnaa Bastoolada, iyadoo dilka uu fuliyay hal ruux, halka labada kale la sheegay inay garab taagnaayen ruuxa dilka geystay.
Nabadoon Sayid Cali Cismaan Abtidoon ayaa kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo doortay magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug.
Qaar kamida ehelka Marxuun Sayid Cali Cismaan Abtidoon ayaa Xaqiijiyay dilka Marxuunka, waxaana goobta ka baxsaday Kooxdii dilka Geysatay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Seddexdii bil ee ugu danbeysay ka socday dilal loo geysanaayo Nabadoonada, Saraakiisha iyo Ciidamada.
Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabtay inay beegsanayaan Nabadoonada ka qeybqaatay xulista Xildhibaanada BFS.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *