Monday, May 8, 2017

thumbnail

CIIDAMADA BOOLISKA SOMALILAND OO GACANTA KU DHIGEY RAG LAGU EEDEEYEY INAY DEEGAANKA OOG KU DILEEN NIN DARAWAL AH IYO TIRADA RAGGA LA QABTAY.

Warar aan helayno ee naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool soona gaadhaya  xafiiska shabakada Ramaasnews ayaa waxay  sheegayaan in Ciidamada
Booliska Somaliland ay gacanta ku dhigeen rag la sheegay inay kamid ahaayeen dabley hubaysan oo dhawaan deegaanka Oog ee gobolka Saraar jidgooyo ugu galay gaadhi bas ah oo ay leedahay shirkada Socdaalka Yaasmiin.halkaas oo ay ku dileen dableydaasi darawalkii waday gaadhigaasi oo kasoo  jeeda magaalada Badhan ee gobolka Sanaag rakaabkii baskaasi fuushanaana ay u  gaysteen baadhasho iyo xatooyo.
Raggan ay ciidamadu qabteen ayaa tiradoodu dhan tahay Saddex nin,waxaana sida la sheegay ay ciidamadu kasoo qabteen deegaanka yagoori uu ka tirsan gobolka Sool.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa wali wada baadhitaanka dableydaasi jidgooyada u gashay gaadhiga baska ah intaasi kadibna dilay darawalki waday  gaadhiga,rakaabkii saarnaana baadhitaano xatooyo ah u gaystay.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *