Wararka naga soo gaadhaya degmada Hodan waxa ay sheegayaan in
goordhow kooxo hubeysan ay ku dishay Haweeney lagu Magacaabi jiray Xaliimo
Cilmi Yuusuf oo ku sugneyd goobteeda ganacsi.
Haweeneydan ayaa kamid ahayd Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay
Magaalada Cadaado oo Xarun Kumeel gaadha u ah Galmudug.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Sey Piano, waxaana haweeneyda ay ku
sugneyd goob carwo ah oo ay ganacsi ahaan uleedahay ayna ka shaqeysan jirtay.
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa dhowr xabadood haweeneyda kaga
dhuftay qeybta sare ee jirka taas oo keentay iney goobta ku geeriyootay.
Ragii hubeysnaa ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday
waxaana socdo baadhitaano ay wadaan Ciidamada dowladda oo tagay halka uu dilka
ka dhacay.
Sidoo kale fiidkii hore ee Caawa dhalinyaro Bastoolado ku hubeysan
waxa ay isla degmada Hodan ku dishay Nin la sheegay inuu ka ganacsan jiray
Iibka sigaarka oo ku sugnaa Waaxda Kacaan ee Degmada Hodan.
Ninka lagu dilay Nawaaxiga isgoyska dabka ayaa magaciisa isna lagu
soo koobay Samakoo, waxaana usuura gashay ragii dilay iney goobta si nabadgalyo
leh ay uga baxsadaan.
Waa haweeneydii 2-aad oo kamid ah Ergada soo doortay Xildhibaanada
ee lagu dilo Muqdisho wax ka yar 24, Xalay Xaafada Siliga Ameerikaanka ee
degmada wadajir waxaa lagu dilay Haweeney lagu magacaabi jiray Haajira Cabdi oo
kamid ahayd Ergadii soo xulay Xildhibaanada
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments