Saturday, May 6, 2017

thumbnail

Sawirro: Maxay Saxaafada Mareykanka ka qortay Askarigii lagu dilay howlgalka G/Sh/Hoose

Warbaahinta Mareykanka ayaa aad u hadal haya Askarigii ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka ee lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Askarigaasi uu ka tirsanaa ciidamada gaarka ah qeybtooda Falmouth, kaa oo lagu magacaabi jiray Kyle Milliken oo 38 jir ahaa.
Kyle Milliken, ayaa la sheegay inuu kasoo jeeday Gobolka Maine waxa uuna kamid ahaa ciidamada firfircoon ee ka qeybqaadan jiray dagaalka lagula jiro Argagixisada caalamka, iyadoo la xusay inuu kasoo dagaalamay dhowr dal oo ay kamid ahaayen Ciraaq iyo Afgaanistaan.
Kyle Milliken, ayaa horay loo guddoonsiiyay ilaa afar biladood oo uu ku qaatay Ciraaq iyo Afgaanistaan, balse waxa uu ugu danbeyntii ku baxay gacanta Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Kyle Milliken, waa askarigii ugu horeeyay oo Mareykanka looga dilo gudaha dalka Soomaaliya ka dib Burburkii Somalia.
Sanadkii 1993-dii ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay 18 Askari oo Mareykanka u dhashay.
Dilka Kyle Milliken, ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in Kyle Milliken uu ahaa Askari geesi ah oo ku dhintay gudashada waajibaadkiisa shaqo.
Ciidamada Mareykanka ayaa qaada hawlgalada qorsheysan ee lagu weeraro deeganada ay gacanta ku hayaan Maleeshiyada Al-shabaab, iyagoo ciidanka adeegsanaya diyaarado Helicoptero ah.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *