Thursday, May 11, 2017

thumbnail

SOMALILAND OO MARKII U HORREYSAY LAGU CASUUMAY SHIR CAALAMI AH OO LAGAGA HADLAY KALLUUMAYSIGA

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka baddaha Somaliland Dr. Fuaad Cabdisalaam Xasan ayaa ka warbixiyey ujeedada shir-hawleed caalami ah oo lagaga hadlayo arrimaha kalluumaysiga iyo shuruucda kheyraadka baddaha, kaasi oo wefti xukuumadda somaliland ka socda oo uu hoggaaminayaa kaga qayb galeen caasimadda dalka Jabbuuti ee Djibouti.

Shir hawleedkan oo uu soo qabanqaabiyey urur gobolleedka IGAD oo kaashanaya ururka Midowga Afrika waxana  muddo saddex cisho ah oo uu socday islamarkaana maanta soo gebogeboobaya ka qayb galay ergey ka kala socotay wadammada Sudan, Koonfurta Sudan, Somaliland, Jabbuuti, Soomaaliya iyo maamul-gobolleedyada hoosyimaada. Dhinaca Somaliland ergeyda ka kala socotay waxaa ay kala ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Dr.Fuaad Cabdisalaan Xasan, Dhamme Khadar M. Ciise oo ka socday Ciidammada Ilaallada Xeebaha Somaliland Iyo Weli Samadoon Cumar oo isna ah sarkaal wasaarada Kalluumaysiga ka tirsan.  Agaasimaha oo madashii furitaanka ee shirka khudbadka jeediyey ayaa warbixin ku saabsan qorshaha qaran ahaan Somaliland ugu talo galeen arrimaha badaha iyo sidii loo xakamayn lahaa kalluumaysiga sharci darrada ah ku soo bandhigay, waxaanu sheegay in mar kasta wasaarad ahaan ay qaranka uga masuul yihiin sidii loo sugi lahaa manaafacaadka khayraadka baddaku jira taas bedelkeedana ay hay’adaha kala duwan ee qaranku heegan ugu jiraan sidii xeebta Somaliland u noqonlahayd mid kacaagan kalluumaysiga sharciga ka baxsan ee xatoyada ah.

Dr. Fuaad Cabdisalaan oo intii shirku socday warbaahinta Soomaaliga ahi waraysi la yeesheen ayaa faahfaahin dheeraad ah ka siiyey ajendaha shirka oo uu sheegay in Somaliland ay door shariif ah ku yeelatay dooddiisa iyo falanqaynta afkaaraha lays waydaarsanayay. “Aniga iyo wefti ka socday xukuumadda Somaliland oo aan hoggaaminayay, waxaana halkan [Jabuuti] aanu u nimi ka qaybgalka kulan aqooneed ay qabanqaabiyeen urur goboleedka IGAD oo ay isugu yimaadeen wadamada urur goboleedku metelo, waxaana lagaga hadlayay arrimaha kalluumaysiga iyo sidii loo xoojin lahaa ka hortaga waxa looyaqaanno IUU [Illegal unreported and Unregulated Vision] ama kalluumaysiga sharci darrada ah”. Sidaasi ayuu yidhi Mr. Fuaad Cabdisalaan Xasan, Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysig. Waa Markii u horreysay ee ay xukuumadda Somaliland ka qay gasho shir noocanoo kale ah, kaasi oo aan aan ururka IGAD hore ugu soo casuumi jirin hase yeeshee waqti xaadirkan lagu marti qaaday ergay metelaysa qaranka Somalilandoo shirka ka qayb gasha.

Agaasime Fuaad Cabsisalaan waxaa uu sheegay in ergooyinka shirka ka qayb galay ay sidoo kale kamid ahayd   hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan beeraha iyo quudka ee loo yaqaanno FOA,  waxaanu hoosta ka xarriiqay in  arrimaha biyo culusta ah ee la filayo shirkan in ay ka  soo baxaan ay kamid yihiin sidii wadammada ku abtirsada ururka IGAD ay uga midaysnaan lahaayeen ilaalinta, u kuurgalka iyo korjoogaynta xeebaha wadamada IGAD  uu metelo, iyadoo ay ka qayb galeyaashu intii shirku socdayna uu DG-gu tilmaamay in ay isku dhaafsadeen khibradaha iyo aallahada shaqo ee  uu dalkastaa isticmaalo. Gebogabada shirkan oo maanta soo xidhmi doono ayaa laga filayaa in laga soo saari doono war murtiyeed gundhigiisu noqon doono in la sameeyo qorshe hawleed lagu ilaaliyo xeebaha  mandaqadu.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *