Thursday, May 11, 2017

thumbnail

Golaha Wasiirada oo dhaqan galiyay Amar dhawaan uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa May 8, 2017 booqasho gaaban ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaa oo ay ka jirtey Amni darro baaxad leh.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Degmada Afgooye amar ku bixiyay in amaanka Degmada si toos ah loo hoosgeeyo magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.
Madaxweynaha ayaa waxa ay arrintaani kusoo maaxatay kadib markii uu kulan la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka oo iyagu ka cabanaayay amni darro.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale arrinta ku aadan in amni ahaan Degmada Afgooye la hoosgeeyo Xamar kala tashtay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Mas’uuliyiinta maamulka ee ku shaqada leh amniga.
Kadib is afgaradka dhexmaray Madaxweynaha, Hogaamiyaha, Waxgaradka iyo Odayaasha deegaanka ayaa waxaa qodobka Degmada Afgooye amni ahaan lagu hoosgeynaayo magaalada Xamar go’aan ka qaatay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.
Kulanka Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee dhacay maanta isla markaana lagu soo saaray qodobo dhowr ah oo khuseeya amniga ayaa waxaa lagu soo daray in Degmada Afgooye amni ahaan la hoosgeyn doono magaalada Xamar.
Golaha Wasiirada ayaa sheegay inay tixgalinayaan amarka kasoo baxay Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llahi Farmaajo ee ah in Degmada Afgooye amni ahaan la hoosgeeyo Xamar.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka dhaca dilalka iyo weeraro toos ah oo ay geystaan Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana la sheegay in taa ay sabab u tahay in amniga Degmada la hoosgeeyo magaalada Xamar.
Geesta kale, Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Gaadiidka Miineysa ee Qaraxyada kasoo gudbiya Degmada Afgooye kuwaa oo kasoo talaaba xadka kala beyra Degmada iyo magaalada Muqdisho.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *