Sunday, April 23, 2017

thumbnail

Xog: Mareykanka oo si dadban u dhagraya howlgalka ciidan ee ka socda Somalia

Dowlada Mareykanka ayaa ka caga jiideysa in Somalia ay usoo dirto ciidamo quwad leh oo ku xeel-dheer dagaalka lugta ah.
Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaradda Afrika ee
AFRICOM General Thomas Waldhauser, ayaa laga soo xigtay in dowlada Mareykanka ay dib dhiganeyso ciidamada Lugta ee loo soo diri lahaa Somalia.
General Thomas Waldhauser, ayaa hadalkaasi sheegay xili uu Wareysi gaaban la wadaagayay Warbaahinta, waxa uuna cadeeyay in ciidamada iminka loo soo diray Somalia ay yihiin Tobaneeyo Askar dheeraad ah.
General Thomas Waldhauser, ayaa sheegay inaysan ku degdegi karin in Somalia loo diro ciidamada Lugta waxa uuna sababta ku sheegay inaan la garankarin dhibaatada soo foodsaari karta ciidamada Lugta Mareykanka.
General Thomas Waldhauser, ayaa sidoo kale sheegay in Saraakiisha iyo Ciidamada ay u direen Somalia ay yihiin kuwo garab u noqon doona Ciiddanka dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM.
General Thomas Waldhauser, ayaa sidoo kale arrin been abuur ah ku sheegay in Maamulka Madaxweyne Trump lumiyey Awoodda wax duqeynta ee lala beegsanayo Bar-tilmaameedyadda Xagjiriinta Somalia ee Al-shabaab.
Sidoo kale, General Thomas Waldhauser, ayaa xaqiijiyay in Taliska Maraykanka la siiyey Awood dheeraad oo kooban si ay u geystaan Duqeymaha Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in duqeynta loola gol leeyahay si garab loogu siiyo Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka Somalia ee qeybt ka ah Hawlgalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, General Thomas Waldhauser, ayaa ballanqaaday in ciidamada Mareykanka ay noqon doonaan kuwa soo afjara dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee Somalia.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *