Friday, April 28, 2017

thumbnail

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaaya Qarax Caawa lala eegtay Xildhibaan ka tirsan dowlada Somaliya

Qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow xarunta Degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaa oo noociisa la sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa lagu beegsaday Gaari uu watay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate, oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka.
Xildhibaanka ayaa xiliga Qaraxa maraayay goobta lagu aasay miinada waxaana xigay in Qaraxa uu dhaco.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta maraayay iyo Ilaalada la soctay Xildhibaanka.
Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in Qaraxa ay ku dhaawacmeel 3 Askari oo la soctay Xildhibaano kuwaa oo la dhigay Goobaha caafimaad ee ku dhow dhow Xarunta Degmada Hodan.
Ciidamada Degmada iyo kuwa Xildhibaanka ayaa Qaraxa kadib ooda ka qaaday Rasaas xoogan oo la sheegay in qaarkood ay ku dhaceen dad shacab ah oo goobta maraayay.
Hay’adaha amaanka ayaan ka hadal Qaraxa waxa uuna kusoo beegmayaa xili dhawaan ay maleeshiyada Al-shabaab u Hanjabeen Xildhibaanada iyo Ergada soo doortay.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *