Weerarkaani oo loo badinaayo inuu ahaa mid midabtakoor ah
ayaa waxaa loo qabtay nin lagu magacaabo Kori Ali Muhammad oo 90 ilbiriqsi gudahood ku riday 16 xabbadood.
Kori Ali Muhammad oo 39 jir ah ayaa sidoo kale rabay in uu dilo waardiye Hotel todobaadkii hore.
Kori Ali Muhammad, ayaa sidoo kale la sheegay in xiliga weerarka uu ahaa mid ku qeyla dhaaminaayay Illaahay baa wayn oo af Carabi, waxaana xigay weerarka oo ahaa mid toos ah.
Kori Ali Muhammad, ayaa sidoo kale, rumeysan in weerarka uusan aheyn mid argagixiso balse uu ahaa mid midab sooc ku salaysan.
Kori Ali Muhammad, ayaa sidoo kale la sheegay in bartiisa Facebook uu ku cadeeyay inuu yahay mid aad u naceb dadka cadaanka ah, balse Booliska ayaa sheegay in ninkaani uu ku dhaqmay wixii uga soo baxay aragtidiisa.
Dadka ay xabadu ku dhacday ayaa waxaa kamid ahaa nin xiliga weerarka ku dhex sugnaa gaarigiisa raaxada ah, halka Booliska uu ka cadeeyay in dadka lagu qaaday weerarka ay dhamaantooda ahaayen Cadaan.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments