Wednesday, April 26, 2017

thumbnail

Baydhabo: Amar adag oo lagu soo rogay xaasaska horjoogayaasha Al-Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray amar ku aadan Xaasaska u dhaxa Horjoogayaasha maleeshiyada Al-shabaab ee deegaanka ku ah Koonfur Galbeed.

Mahad C/raxmaan Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Koofur Galbeed oo goordhow shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ku amray Xaasaska ay qabaan Horjoogayaasha, Saraakiisha iyo dagaalyahaanaha Al-shabaab iska diiwaan giliyaan xarumaha Ciidanka Booliska.
Mahad C/raxmaan, waxa uu sheegay in Xaasaskaasi Horjoogayaasha looga baahan yahay inay u hogaansamaan amarka ama ay isaga baxaan dhammaan deegaanada maamulka.
Taliyaha waxa uu sheegay in u jeedka uu yahay in la siiyo fariimo ku saabsan Amniga.

Sidoo kale, waxa uu Taliyaha ku baaqay in Al-Shabaab xaasaskooda aan loo ogolaan doonin inay Joogaan Magaalada Baydhabo iyaga oo aan diwaan gashanayn.
Docda kale, amarka Taliyaha ayaa imaanaya xili deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ay si caadi ah ugu noolyihiin Al-shabaab iyo Xaasaskooda oo aad u farabadan.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *