Saturday, April 22, 2017

thumbnail

South Sudan oo si dirqi ah kaga badisay Somalia kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Chan 2018.

Xulka qaranka Koonfurta Sudan ayaa guul rafaad ah ka gaaray dhigiisa Somaliya kulan marti loogu ahaa soomaalida dalka Jabuuti, wuxuuna ahaa kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Chan 2018 ee sanadka 2018 lagu qaban doono
Kenya.
Tartankaan waxaa ka qeyb gala wadamada afrika kuwaas oo soo xulan doona kaliya ciyaartoyda gudaha dalkaas ka ciyaara ama (Local Players), isreeb-reebkiisa ayuuna kulankii galabta dhexmaray Somaliya iyo South Sudan ka mid ahaa.
James Moga ayaa daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta hogaanka u dhiibay xulka qaranka South Sudan, balse ciyaartoyda Soomaalida oo si fiican iskula qabsaday ayaa dhawr jeer ku dhawaaday iney helaan goolka barbaraha ka hor dhamaadka qeybta hore ciyaarta.
Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 0-1, oo ay hogaanka ku heyso South Sudan, balse markii la isku soo laabtay xidigaha qaranka Soomaaliya ayaa lasoo baxay dar-dar culus, waxeyna gool caaqibo leh oo loo wada istaagay ka heleen Cabaas Amiin oo ka tirsan kooxda Dekedda kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1.



Sadex daqiiqo kadib Khamis Leon ayaa ka dhex faa’ideystay daafaca iyo goolhaya Somaliya oo is fahamdarro yar ay soo kala dhex gashay kaas oo dhaliyay goolka mar kale hogaanka u dhiibay koonfurta Sudan.
Natiijada ciyaarta waxey noqotay 1-2 oo ay guusha ku raacday South Sudan oo marti u aheyd Somalia, lugta labaad ee ciyaartaan waxey ka dhici doontaa Jubba 30-ka April – Somaliya ayaana u baahan kaliya 2-gool si ay wareega xiga u gaaraan.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *