Sunday, April 23, 2017

thumbnail

Dowladda ka dambeysay inuu Farmaajo dalka geliyo xaalad dagaal oo la ogaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 6-dii April ee sanadkan ku dhawaaqay inay Soomaaliya ku jirto Xaalad dagaal, taasoo ay  dad badan uga hadleen siyaabo kala duwan.
Haddaba waxaa soo baxday dowladda ka
dambeysay inuu Farmaajo go’aankaas qaatay, waxayna arrintaan timaaday kadib wadahadal xasaasi ah oo dhex maray Farmaajo iyo dowladaas.
Dowladda ka dambeysay in xaaladaas Soomaaliya la geliyo ayaa waxaa saxaafadda la wadaagay wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Yariisow
Wargeyska Guardian oo ah wargeys caan ah oo kasoo baxo dalka Ingiriiska ayaa qoray in dhawaqista xaaladda dagaal ee uu Farmaajo ku dhawaaqay 6-dii April ee sanadkan ay timaaday kadib wadahadal xasaasi ah oo dhex maray Dowladda Mareenka iyo tan Soomaaliya.
Eng. Yariisow ayaa laga soo xigtay hadalkaan “Waxa jiray xiriiro dhow oo labada dowladood ay leeyihiin, madaxweynaheena ayaana ku dhawaaqay xaalad dagaal” 
Dowladda Mareekanka ayaa dhawaan Soomaaliya ku dartay liiska Agga Dagaal, waana midda keentay inay labada dowladood kawada hadlaan arrintaan ku aadan xaalad dagaal ee Soomaaliya la geliyey.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *