Friday, April 14, 2017

thumbnail

MASUULIYIINTA WASAARADA WAXBARASHADA SOMALILAND OO DIYAARINAAYA GOOR XAQII CADAADAY QODOBO MACMAL AH OO AY U CUGSANAYAAN RUGSAD KALA NOQOSHADII JAAMACADA CAALAMIGA AH EE TOGDHEER (TIU) XOG MUHIIM AH.

Ka dib markii ay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland ay sheegtay in ay ruqsadii ay kala noqotay jaamacada Caalamiga ah ee Togdheer, ayaa waxa jiray maalmihii ugu dambeeyey in ardayda iyo aqoonyahanka dalku ka gadoodeen arintaasi. Sidoo kale
Ruqsad kala noqoshadani ayaanay wasaarada waxbarashdu u cugsan wax qadodobo ah, Sida aanu ka helayno ilo wadareedyo u dhuun daloola wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa waxaa maamulka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ku hawlanaayeen maalmihii u danbeeyey warbixn gacan ku rimis ah ama samays ah oo loo cuskado xidhitaankii 10 April, 2017 uu wasiirka waxbarashadu sheegay in uu rusqadii jaamacadeed uu kala noqday Jaamacadda caalamiga ah ee Togdheer (TIU). Warbixintan oo wasiirku hore u sheegay in uu ku qancay qodobada loo cuskaday xidhitaankeeda oo ay soo saareen gudida tacliinta sare ee somaliand ayaa haba yaraatee aan soo gaadhin maamulka Jaamacadda Togdheer International University wax qodobo ah ah sid ay xaqiijiyeen masuuliyiinta jaamacadani. Warbixintan samayska ah ee ay masuuliyiinta wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland ayaa hadii ay soo baxdo ayaa waxa ay muujinaysaa in ay warbixintani tahay macmal ay masuuliyiintani u cugsanayaan xidhitaanka jaamacadani waxaana ay noqonaysaa xili xeedho iyo fandhaalba kala dheceen waxaanay keeni karta qarax weyn oo sababi kara in uu dhaawac culus soo gaadho guud ahaan sumcada iyo kalsoonida lagu qabi karo hanaanka waxbarashada Somaliland wakhti xaadirkan. Waxaanay Arintani daaha ka feydaysaa fadhiidnimada iyo tayo xumaanta ka dhex jirta guud ahaan waxbarashada waddanka, gaar ahaana tacliinta sare oo aad moodo in aanay hogaankeedu hayn dad ehel u ah aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba. Arintii ruqad kala noqoshada ahayd ee wasaaradu ku dhawaaqday ayaa waxa ay guux iyo ruxan badan ka dhex abuurtay guud ahaan wadanka, iyada oo si gaar ah u saamaysay boqolaal qoys oo dan yar ah ha ahaadaan kuwa ardaydoodu dhigato Jaamacadda iyo kuwo shaqo ahaan ku tiirsan oo wakhti xaadirkan la halgamaaya duruufaha nololeed ee cidhiidhiga geliyey nolol maalmeedkoodii haba ugu sii darnaadaan sicir bararka, abaaraha, xidhitaanka dhoofka xoolaha iyo kuwo kale oo badan. Waxaa abaabul ka dhex socdaa inta badan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Burco, iyo somalilandba oo marka aad la sheekaysato ama aad dhegaysato hadal hayntooda ugu badani tahay xidhitaanka iyo rusqad kala noqoshada Jaamacadda TIU ee wakhti xaadirkan wasaaradu ku dhawaaqday xidhideeda iyada oo aan haba yaraatee u cuskan qodobo saxaafada loo qaybiyey. Ugu Dambayntii wasaarada waxbarashada somaliland ayaan xidhitaanka Jaamacadani TIU U cugsan wax qdobo cadaan ah waxaana muuqata in arintaasi ay ka dambeeyaan xubno cadow ku ah waxbarashada Iyo Haanaanka Horumarka Gobolka Togdheer Iyo Jaamacadan.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *