Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maalmo gudahooda ku saxiixay dilalkii ugu badnaa oo wax ka yar Asbuuc ka dhaca magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.
Madaxweynaha ayaa saxiixay dilka inkabadan Toban eedeysane oo isugu jira Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab kuwaa oo 5 kamid ah shala iyo maanta lagu qisaasay magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Federaalka ayaa riday xukunka eedeysanayaasha iyadoo Madaxweynaha Qarankana uu qalinka ku duugay si looga badbaado dhibaatada ay ciidamada ku hayaan dadka shacabka iyo kuwa ay geystaan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dhalinyarada xukunada lagu fuliyay ayaa xirnaa muddo dhowr bil ah, iyadoo ay ku ragaaden fursada lasiiyay ee racfaanka, halka qaarna ay ilaa iyo hadda yihiin kuwo xiran balse uu ku dhacay xukunka dilka ah.
Dhalinyarada la qisaasay iyo kuwa aan wali la qisaasin ayaa waxaa lagu helay cadeymo loo helay, waxa uuna Madaxweynuhu garwaaqsaday in loo baahan yahay in Askari waliba iyo Al-shabaabkii geysta fal dambiyeed dil ah laga abaalmariyo danbiga ay geysteen.
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa ka dhaca dilal bareera oo ay geystaan ciidamada dowlada iyo Maleeshiyada Al-shabaab.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments