Thursday, April 20, 2017

thumbnail

Immise Lacag ah ayey dowladda Turkiga ku shubtay Khasnada Dowladda Dhexe?

Muqdisho, 20 April 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga oo ka dhabeysay ballanqaadkeedii ahaa
inay kabto miisaaniyada Dowladda Federaalka.
Dowladda Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ku wareejisey kabka miisaaniyada 5 bilood oo ay bishiiba kab uga dhigeyso miisaaniyada 2 milyan oo dollar. Deeqdan kabka miisaaniyada ee Dowladda Turkiga ugu talo gashay Soomaaliya ayaa lagu shubay Khasnada Dowladda Dhexe ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, tanoo la waafajinayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada Dalka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey arrinkan ayaa yiri “Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo jira oo fahamsan daruufaha Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa taageeradooda kabka miisaaniyada Dowladda oo ay 5 bilood na siiyeen oo bishiiba ay tahay 2 milyan oo dollar. Tani wallow aysan dhameystireynin baahida Dowladda iyo tan shacabka, haddana waa bilow wax weyn noo tareysa.”
“Dowladda Federaalka si ay shacabka ugu sheegto xaqiiqda dhabta ah ee maaliyada ayaan iclaamineynaa inay lacagtaas na soo gaartay si shacbka uu noola xisaabtamo annagana aan uga dhabeyno ballanqaadkii ahaa inaan u adeegeyno shacabka oo aan la wadaageyno xaaladeena maaliyadeed iyadoo ay dhab naga tahay inaan hagaajino maamulka iyo maareynta maaliyada si aan shacabka uga helno kalsooni marwalba ah. Deeqdan kabka miisaaniyada ahna waxaan khasnada dowladda ugu shubnay waa in shacabka ay si toos ah noola xisaabtamaan oo aan tusaale fiican u noqono si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.” RW Khayre ayaa sidan yiri
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii yiri “in kabka miisaaniyada Turkiga aysan wada dabooleynin baahida guud ee miisaaniyada, haddana waa bilow, waxaana ka codsaneynaa wallaalaha beesha caalamka inay sidoo kale kaalintooda ka qaataan kabka miisaaniyada inta ay dowladdu ka gaareyso isku filaansho dhanka dhaqaalaha ah.”

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *