Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maqaaxida Baraada ee ku taala
badhtamaha magaalada Berbera kala shaaheeyey boqolaal ka mid ah dadweynaha ku
dhaqan magaaladdaasi.
Guddoomiye Cirro oo ay wehelinaayeen qaar ka mid ah madaxda
Xisbiga WADDANI, ayaa waxa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey odeyada,
dhallinyarada iyo weli ba dadweynahii kale ee ku sugnaa meheraddaasi iyaga oo
sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada uu ugu yimi guddoomiye Cirro
isla mar ahaantaana ay u muujinaysa sida uu ka Murashax ahaan uu u daneynaayo
in uu dareen dhow la wadaago duruufaha nololeed ee shacabka ku dhaqan magaalada
Berbera.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa la hadlaayey qaar ka
mid ah dadweynahaasi, ayaa isna muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in uu soo
booqdo dadweynaha ku sugnaa meheraddaasi oo uu tilmaamay in maadaama uu yaha
Murashax reer Berbera ah ay khasab tahay in uu si xog-oggaalnimo ah uga war
hayo xaaladda dhabta ah ee shacabkiisa.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments