Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tacadiyada ay ciidamada AMISOM u geystaan shacabka Soomaaliyeed.
Farmaajo ayaa sheegay in
dowladiisa ay la xisaabtami doonto dhammaan ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha iyo gobolada dalka, ee dhibta u geysta dadka shacabka.
Farmaajo ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan awood u laheyn inay ku xadgudbaan shacabka, waxa uuna shaaca ka qaaday in loo baahan yahay inay muujiyaan taxadar.
Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in Askarta Ciidamada AMISOM ay dhibaato u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ay qaadi doonto kuwa dhibaateeya Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay inay sameyn doonaan dhinacyo la xisaabtama shisheeyaha dhibta u geysta shacabka.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ciidamada AMISOM uga digay in ay sii wadaan dilalka Shacabka Soomaaliyeed.
Haddalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaaya xili ciidamada AMISOM ay u dhaqmaan si aysan u dhaqmin ciidamada dowlada.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments