Thursday, April 20, 2017

thumbnail

WAR DEG-DEG AH :- ROOB MAHIIGAAN AH OO GOOR DHAWAYD DA’AY MAGAALADA CEERIGAABO IYO DEEGAANO HOOS YIMAADA.

Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka
ayaa waxay sheegayaan in hadda uu gudaha magaalada Ceerigaabo uu ka da’ayo roob wayn oo mahiigaan ah.
Waxaana raxmaadkan Eebe oo hadda ka bilaabay magaalada Ceerigaabo naloo sheegay inuu yahay roob mahiigaan ah kaas oo biyo dhigay isla markaana ay ku qabowsadeen bulshada magaalada Ceerigaabo.
Sidoo kalena wararka Haqabtirenews soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in Raxmaadka Eebbe uu hadda ka da’ayo deegaanada Buuralayda ah ee dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo halkaas oo ay ka jirtay xaalad abaareed oo adagi isla markaan saamaysay dad iyo duunyada ku dhaqan deegaanadaasi.
Deegaanada gobolada Bariga Somaliland ayaa waxa wakhti xaadirkan ka jirta xaaladd abaareed oo adag oo sababtay dhimashada dad iyo duunyaba,iyada oo dadkaasi ay abaartu u dheertay xanuunka Shuban biyoodka Iyo Jadeecada oo faro baas ku hay bulshadaasi isla markaana ay goobaha caafimaad u jiifaan boqolaal qof oo u badan caruur waayeel.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *