Sunday, April 30, 2017

thumbnail

Xasuuqa Kenya iyo Ethiopia oo si rasmi ah loo shaaciyey + DF oo sidii caadada ahayd ka indho xiratay

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa caado ka dhigtay inay xasuuqaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed iyagoo sheegayo inay Al-Shabaab ka difaacanayaan xuduudahooda iyo qeybaha ay Soomaaliya ka sugan yihiin.

warbixin ay soo aruurisay VOA qeybteeda afka Soomaaliga ayey ku ogaatay inay dowladda Kenya ilaa tobanaan duqeyn u geysatay meelo ay dagan yihiin dad Soomaaliyeed oo rayid ah, waxayna duqeyntaas bilaabeen June 2015, waxaana warbixintaan soo daabacay markii ugu horeysay hey’adaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya, waxayna duqeyntaas inta badan ka geysatay Gobolka Gedo.
Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa xasuuq u geysatay shacabka Soomaaliyeed iyadoo u mareyso ciidamada Liyu Police, kuwaas oo xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya ka sameeyey falal isugu jiray dilal iyo kufsi ka dhan ah xuquuql insaanka.
Haddaba dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyey inaysan hal mar xataa ka hadlin xasuuqa ay dowladaha Itoobiya iyo Kenya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, taasoo ah mid ceyb weyn ku ah, waxaana halkaas ka muuqato inaysan dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan dhibaato ku heyn dhigga shacabka Soomaaliyeed ee sida gardarada ah loo daadinayo.
Kaliya dowladda Soomaaliya kama aamusin dhibaatada ay gudaha ka wadaan Kenya iyo Itoobiya, sidoo kala si daacad ah ugama hadlin xasuuqii loo geystay qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay duqeyntii loo geytay doontii ay saarnayeen ee mareysay xeebaha dalka Yeman.
Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in ka aamusidda dowladda ee xasuuqa shacabka ay keeni karto inay lumiso kalsoonidii ay ummadda Soomaaliyeed ku qabtay dowladda cusub oo laga rajeenayey inay noqoto middii ugu fiicneyd oo soo marta Soomaaliya.
Waxayna ugu baaqeyn dowladda inay go’aan cad ka qaadato xasuuqa shacabka Soomaaliyeed loogu geysanayo gudaha ee banaanka Soomaaliya, maadaama ay tahay dowladda looga fadhiyo inay shacabkeeda si fiican ugu adeegto.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *