Friday, April 28, 2017

thumbnail

Kheyre oo cadeeyay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka kala dhexeeya Madaxweyne Farmaajo

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay wada shaqeynta kala dhexeysa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kala dhexeeyo heshiis ku aadan in si wada jira loogu shaqeeyo Qaranka Somalia.
Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ku heshiiyeen in la sara qaado midnimada iyo wax u qabashada Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyay inuu ku kalsoon yahay 100%.
”Waxaan aad ugu qanacsanahay wada shaqeynta igala dhexeysa Madaxweynaha waxaan ku midownay keliya in Somalia laga qaado halka ay maanta taagan tahay si ay ula mid noqoto dowladaha kale ee caalamka”
”Kalsoonida igala dhexeysa Madaxweynaha waxaan ku qiyaasi karaa inay tahay 100%, xiriirka naga dhexeeya waa mid ku saleysan danta Umadda Soomaaliyeed, wax dan gooni ah aan leenahay aniga iyo Madaxweynaha ma jirto”
”Kalsooni waxaa lama huraan ah inay kasoo bilaabato madaxda ugu sareysa si shacabka ay iyaguna isugu qaadan kalsooni buuxda oo suuragalinkarta in Somalia ay ka hanaqaato halka ay maanta taagan tahay waxaan qabaa haddii la helo kalsooni ka dhex dhalata Umadeena in Somalia ay u jiheysaneyso halkii laga filaayay”
Ra’isul wasaaraha waxa uu sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo hadda isku xiran waxa uuna tilmaamay in khilaafka ugu badan ee ka dhaca dalka uu yahay mid ka bilowda Siyaasiyiinta kuna soo dhamaada Siyaasiyiinta.
Haddalka Ra’isul wasaaraha ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan uu Khilaaf ka dhex curto Madaxweynayaasha iyo Ra’isul wasaarayasha dalka soo maray.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *