Wednesday, April 26, 2017

thumbnail

Khasaare intee la’eg ayaa ka dhashay dagaalka Ciidamada Ethiopia iyo Al-shabaab ku dhexmaray G.Hiiraan

Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Bartoor oo u dhexeeya Magaalada Baladweyne iyo deegaanka Halgan.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu dhashay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaaden kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo ciidamo Ethiopian ah.
Ciidamada ayaa la sheegay in la weeraray xili ay ka soo ambabaxeen Magaalada Baladweyne kuna sii jeeday Degmada Buuloburte.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dileen laba Askari oo Ethiopian ah, halka ay dhaawac culus u geysteen ilaa Afar Askari.

Saraakiisha ciidamada Ethiopia ee la socday kolonyada gaadiid ee dagaalka la galay Al-shabaab, ayaa dhankooda ka sheegay inay dileen Lix maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkaani ayaa imaanaya xili Ciidamada Ethiopia ay dhaqdhaqaaq ciidan kawadaan deegaano hoostaga magaalada Beledweyne.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *