Saturday, April 29, 2017

thumbnail

CIIDAMADA BOOLISKA SOMALILAND OO XABSIGA U TAXAABAY SARKAAL SARE OO KA TIRSAN XISBIGA WADDANI + QAAR CIIDAMADU JIDH DILEEN.

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa goor-dhaweyd xabsiga u taxaabay Siyaasi Cabdillaahi Daamur oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na jidh dil u
geystay xoghayahii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Md. Aftax Siciid Jaambiir xilli ay Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ay u joogeen dhageysiga dacwadda siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa Jeelka weyn ee Hargeysa.
nnnnnnnnnnnn
Illaa hadda lama garanaayo sababta loo xidhay mas’uuliyiintan balse sida ay dad goob-joogeyaal ahi noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku ay si juujuub ah gaadhiga Maxaabiista ugu tureen siyaasi Cabdillaahi Daamur halka Xoghaye Aftax oo isna garab-joogay loo geystay jidh dil aad u xooggan ka dib markii uu ciidamada weydiiyey sababta loo xidhaayo siyaasi Daamur, waxaana hadda xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.
18199449_1849231315327432_1166316045951146954_n
Xadhiga siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa muddooyinkii dambe si aada u soo badanaayey maadaama la joogo xilli kala guur ah oo ay u muuqato in ay meesha ka sii baxayso xukuumadda hadda talada dalka haysa ee KULMIYE taasi oo miciin biddey xadhi, cago-jugleyn iyo weli ba sida oo kale cabudhin ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ka hor istaagayso in ay si caadi ah u gutaan hawlahooda shaqo ee siyaasaddeed.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *