Wednesday, April 26, 2017

thumbnail

Duqeymo caawa ku socda qeybo kamid ah Gobolka Gedo & Horjoogayaal lagu dilay (Warbixin)

Diyaarado dagaal ayaa caawa duqeymo xoogan kawada qeybo kamid ah Gobolka Gedo, gaar ahaan Degaanka War-gaduud.

Deegaanka ay duqeynta ka socto ayaa waxaa Saldhigyo ku leh Maleeshiyaadka Al-shabaab ee dagaalka ba’an kula jira dowlada Federaalka iyo ciidamada AMISOM.
Diyaaradaha ayaa lasoo warinayaa inay duqeynta ku wadaan ilaa laba Saldhig oo mid kamid ah la xaqiijiyay in Maleeshiyadu ay ka qaado duulaanka dagaal ee ku wajahan Saldhigyada ciidan Jubbaland iyo AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya.
Duqeynta caawa dib u bilaabatay ayaa la sheegay in lagu beegsanaayo tirro Horjoogayaal ah oo gabaad ka dhigtay labada Saldhig ee caawa ay ku socto duqeynta.
Duqeyn sidoo kale duhuradii ka dhacday isla deegaanka ayaa waxaa la sheegay in Al-shabaab looga gubay ilaa Seddex gaari oo ay la socdeen dagaalyahaano tiro ahaan kor u dhaafaya 30.
Duqeynta duhurkii dhacday ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay ilaa iyo laba horjooge, sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidamada dowlada ee Gedo.
Degaanka War-gaduud ayaa 72 Saac ee la soo dhaafay, waxaa ka dhacay Duqeyn Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay fuliyeen, waxaana illaa hadda aan la ogeyn Khasaaraha Duqeyntaasi ay Sababtay.
Dhinaca kale, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta hadda ka socta Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *