Monday, April 24, 2017

thumbnail

Gaari Farmaajo la socday oo dad shacab ah ku xasuuqay iridka Villa Somalia

Gaari kamid ah gaadiidkii galbineysay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dad shacab ah ku jiiray magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Gaarigaani ayaa dadka shacabka ah ku
jiiray afafka hore ee xarunta Villa Somalia, xili ay Madaxtooyada ka sagootinayeen Madaxweynaha.
Gaariga ayaa jiiray laba ruux oo shacabka ah kuwaa oo xiliga shilka gooynaayay wadada hormarta Villa Somalia.
Labada ruux ee gaariga uu jiiray ayaa mid kamid ah la xaqiijiyay inuu u geeriyooday dhaawac soo gaaray, halka ruuxa labaad oo Haweeney ah ay la jiifto dhaawac kasoo garay gaariga galbinaayay Farmaajo.
Ruuxa u dhintay shilka ayaa waxaa lagu magacaabaa Tahliil Jimcaale Hubane, waxa uuna xiligaa maraayay dalcada Laamiga ee loo aado Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.
Haweeneyda ku dhaawacantay shilka ayaa waxaa iyana magaceeda lagu sheegay Faadumo Sahra, waxa ayna iminka dhaawac la taalaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Dhibaatada ay dadkaani kala kulmeen Gaadiidka la socday Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaan wali ka hadal Madaxweynaha Somalia iyo waliba Villa Somalia.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *