Sunday, April 23, 2017

thumbnail

Maxay ka dhigan tahay diidmada madaxweyne Farmaajo ee shirka Ethiopia?

Dowladda Itoobiya ayaa sanad kasta qabato shir lagu magacaabo High-Level Forum on Security in Africa kaasoo inta badan looga hadlo arrimaha amaanka iyo hormarka qaaradda Africa.
Shirkaas waxaa kasoo qeybgalo madax kala duwan oo
kamid ah kuwa Africa, waxaana la yaab noqotay inuusan sanadkaan ka qeyb geli doonin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shirkaan oo ah midkii lixaad oo ay soo qaban qaabiso dowladda Itoobiya ayaa waxaa hore uga qeyb geli jiray madaxdii hore ee Soomaaliya oo uu ugu dambeeyey madaxweynihii waqtigiisa dhammaaday Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana xusid mudan in sanadkaan uusan ka qeyb galeyn Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.
Soomaaliya ayaa dowlad ahaan sanadkan ka qeybgeli doonin shirka iyadoo madaxweynaha Farmaajo ka baaqsaday, isla markaana aanay jirin madax kale oo ka socota xukuumadda Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgaleysa.
Shirkaan kaliya waxaa ka qeybgalayo Madaxweynaha Putland Cabdiweli Cali Gaas oo isaga matalayo Maamul Goboleedkiisa, waxaana la filayaa inuu Berri khubad kasoo jeedin doono taasoo lagu tilmaamay inay tahay mid cilmiyeysan.
Haddaba arintaas dhacday ayaan muujineyso xiriirka xun ee ka dhaxeeyo dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Itoobiya oo aan marnaba raali ka noqon karin inay Soomaaliya gacaheda isku taagto.
Sidoo kale arrintaan ayaa muujineyso xiriirka dhow ee Itoobiya iyo Maamulka Puntland, waxayna midaan caddeyn u tahay inay dowladda Itoobiya dooneyso inay Puntland u marto burburinta dowladda cusub.
Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa muddooyinkii dambe ku laalaabanayey dalka Itoobiya, wuxuuna saxiixay heshiisyo badan oo muran dhaliyey kuwaasoo aan si rasmi ah loo soo bandhigin, waxayna rabtaa inay Itoobiya iska hor keento Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.
Mar kasta Dowladda Itoobiya ayaa ah cadaawadda koowaad ee Soomaaliya, mana jecli inay mar kale la arko Soomaaliya oo lugaheeda isku taagto, waxayna hadda bilowday inay faarujiso meelo ay ka joogtay Soomaaliya si ay u qabsadaan ururka Al-Shabaab oo ah seef lagu baabi’iyo umadda Soomaaliyeed.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *