Saturday, April 15, 2017

thumbnail

DONALD TRUMP OO MADAXWEYNE BASHAAR AL-ASAD KU TILMAAMAY XAYAWAAN.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa si adag wax uga sheegay Madaxweynaha Dalka Suuriya Bashaar Al-asad, isaga oo ku sifeeyay inuu yahay xayawaan iyo sidoo kale inuu
dhibaatada abuuro una xun yahay Insaaniyada. 1 Donald Trump oo Fox News wax ka weydiisay Madaxwaynaha Suuriya ee Bashaar Al-asad waxa uu yidhi “Putin waxa uu garab istaagayaa qof aan wanaagsanayan oo shar wade ah waxaanan filayaa in Bashaar uu u xun yahay haddii ay noqoto Ruushka iyo Insaaniyadaba, iyo guud ahaan Caalamka oo dhan”. Madaxwayne Trump waxa kale oo uu intaasi ku daray “Marka aad gantaalo sumaysan ku dhex tuurayso dad, kadibna aad arkaysid carruurtii yaryaryd oo bilaa lugo iyo gacmo ah qaarkoodna ay bilaa waji noqdeen run ahaantii ka sidaasi samaynayaana waa Xayawaan”. Sidoo kale Trump waxa uu sheegay in markii uu arkay Sawiradii carruurtii yaryarayd ee ku noolaa Magaalada Khan Shaikhun ee duqayntooda loo adeegsaday Hub Chemical ah uu aad uga murrugooday isla markaasina uu si toos ah ula hadlay General Matisse waxaanu weydiiyay waxay samayn karaan intaasi Kadibna Generalku waxa uu u soo jeediyay talooyin dhawr ah. Ugu danbayntiina waxa xal noqotay in la duqeeyo Nidaamka uu hor kacayo Bashaar Al-asad ee ummadiisii gumaadaya.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *