Wednesday, April 26, 2017

thumbnail

Sawirro: Puntland oo ugu danbeyntii soo bandhigtay Maleeshiyadii lagu qabtay Haamaha Qaraxyada

Sida aan horay u sheegnay Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo 5 nin oo watay.

Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayay booliisku sheegeen in loogu talagalay in lagu qarxiyo xarumo ku yaal Magaaladda Bosaso.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qabashada waxyaabaha qarxa iyo gaariga ay ka dambeysay kadib markii ay Ciidamada 24 saac ee la soo dhaafay ay howlgalo ballaaran ka sameeyeen gudaha iyo hareeraha magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka bari.
C/xakiim Xuseen Yuusuf oo ah Taliyaha qaybta gobolka bari oo la hadlay Saxaafada ayaa faahfaahiyey hawlgalkan ciidamadu kusoo qabteen Kooxdaan katirsan Malayshiyaadka Al-shabaab waxaana uu xusay in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa kooxdan.

C/xakiim Xuseen Yuusuf, ayaa dadka shacabka ah usheegay iney dagaal kula jiraan Maleeshiyada Al-shabaab loona baahanyahay iney la shaqeeyaan shacabka si looga guulaysto kooxaha kasoo horjeedka amaanka Gobolka.
Waxa uu cadeeyay in walxaha Qarxa ay ahaayen ilaa iyo Seddex waaxood, ayuu sheegay in lagu wadey in lagu qarxiyo goobo kala duwan oo ku yaala Boosaaso waxaana gaarigan laga qabtay wadada jidka 30ka ee Bosaaso gaar ahaan inta udhexeysa madaxtooyada iyo cisbitaalka 3 xidigood Ee bosaaso.







Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *