Tuesday, April 25, 2017

thumbnail

Faahfaahin ku saabsan Diyaarado dagaal oo duqeeyay saldhigga Al-Shabaab

Diyaarado dagaal oo aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa xalay saqdii dhexe duqeyn culus ka geystay deegaan ka tirsan Gobolka Gedo oo ay saldhig ku leeyihiin Al- Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaja duqeynta geystay ay illaa lix gantaal ku garaaceen deegaanka War-Gaduud oo u dhow Ceel Cadde.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen qaraxyo waa weyn, waxaana la ogeyn khasaaraha ay geysteen duqeyntan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay inay jirto duqeynta, balse aanay faah faahin ka heyn cida geysatay iyo hadii ay khasaare geysatay.
Dhinaca kale lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, maamulka Gobolka Gedo iyagana dhankooda wali kama aysan hadlin weerarka iyo cida fulisay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen xajmiga duqeynta, iyo goobaha duqeynta ay ka dhacday.
Degaanka War-gaduud ayaa masaafa ahaan waxaa ay ka fogtahay Degaanka Ceel-cadde oo Sanadkii 2016 ay Al-shabaab ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.
Wararka qaar ayaa sheegay in duqeyntan looga shakisan yahay inay geysteen Mareykanka, maadaama duqeynta dhacday iyo qaraxyada la maqlay ay yihiin kuwo aan horay nooceeda la maqal.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *