Thursday, April 20, 2017

thumbnail

Xog: Ciidamada DF iyo kuwa Jabuuti oo qarka u saaran inay fooda is daraan

Xiisad dagaal ayaa ka taagan dagmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan taa oo u dhexeysa Ciidamada dowlada iyo AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Xiisadaani ayaa ka dhalatay dilka Askari ka tirsan ciidamada Jabuuti, waxaana la sheegayaa in ciidamada Jabuuti ay doonayaan inay awood kula baxaan dhowr Askari oo lala xiriirinaayo dilka Askariga Jabuutiyaanka ah.
Ciidamada Jabuuti ayaa tuhunka ugu badan ka qaba in dilka Askarigooda ay ka danbeeyen ciidamada dowlada ee uu kala dhexeeyo tuhunka kuwaa oo la sheegay in xiliga dilka ay goobta ku sugnaayen.
Xiisadan ayaa wali ka taagan dagmada Buulo burde waxaana ilaa iyo haatan socda dhax dhaxaadinta iyo xal ka gaarista xiisada.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *