Feysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ayaa ka dhawaajiyey waxyaabo halis ah oo uu sheegay in lala damacsan yahay Wadanka Soomaaliya iyo arrin ku saabsan in dowladda Ingiriiska ay dhawaan joojin doonto
Feysal ayaa ka deyriyay xaaladda Soomaaliya isagoo dhanka kale sheegay in wadamada Ingiriiska iyo kuwa kale ee caalamka ay dhaqaalihii ka goosteen Somaliland, midaas ay tahay arrin halis ah oo soo wajihi karto Somailand.
Dowladda Ingiriiska oo aheyd dowladda lacagta ugu badan siin jirtay Maamulka Somaliland ayuu tilmaamay inay hadda qorsheeneyso inay lacagahaas u wareejiso Soomaaliya, maadaama ay dooneyso inay dhawaan halkaas ka fuliso mashruux shidaal qodis ah.
Dhanka kale Feysal Cali Waraabeayaa fashiliyay in dowladda Soomaaliya laga saxiixay heshiis dhigaya in Soomaaliya loo qeybiyo shan gobol oo isku awood ah oo si iskood ah isku maamulaya, taasina ay noqoneyso caqabad weyn oo soo wajihi karta Soomaaliya.
“ Soomaaliya bisha may ayey London uga furmayaa shir, Waxayna saxiixayaan in ciidamo isku mid ah ay maamulada yeeshaan oo meesha laga saaro kuwa dowladda dhexe” ayuu yiri ninka aan hadalka la gamban ee Waraabe.
Wuxuu shaki geliyey in Soomaaliya ay dib u midoobi karta, isagoo ka dhawaajiyey in hadda hub la isugu dhiibaayo, taasna ay mugdi sii gelin karto midnimada Soomaaliya.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments