Thursday, April 20, 2017

thumbnail

War Cusub: Ma dhabaa in Farmaajo, Kheyre iyo Jawaari ay aqbaleen Saldhiga Imaaraadka ee Berbera

Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in xal hoosaad laga gaaray qorshihii lagu laali lahaa Heshiiska Saldhiga Imaaraadka ee magaalada Berbera.
Qorshaha lagu hakiyay laalida Heshiiska ayaa
waxaa isla wada Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.
Qorshaha Seddexda mas’uul ayaa la xaqiijiyay inuu yahay mid lagu meermeerinaayo Xildhibaanada iyadoo uu Heshiisku yahay inaan dib loo furin Mooshinka iyo arrimaha Heshiiska Berbera.
Ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in dowlada Imaaraadka iyo DFS isla fahmeen qadiyada Saldhiga Berbera, waxaana leysku raacay in gabi ahaantiisa la hakiyo.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka gaar ahaan garabta Mooshin wadayaasha ayaa sidoo kale waxaa kulamo gaar gaara la qaadanaaya Madaxweynaha Somalia Farmaajo, Kheyre, Jawaari iyo Wafdi xalinta muranka Saldhiga ay dowlada Imaaraadka usoo wakiilatay kuwaa oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Somalia oo dhawaan arrinta Saldhiga kala hadlay dowlada Imaaraadka ayaa qudhiisa u muuqda mid lagu soo qanciyay magaalada Abuu Dabai, waxa uuna iminka dadaal ugu jiraa hakinta Mooshinka, si dowlada Imaaraadka ay usii wadato dhismaha Saldhigeeda Millitery.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dardar iyo wadaniyad kusoo galay Saaxada Siyaasada Somalia, waxa ayna iminka arrintu xumaaneysaa haddii ay dhabowdo in dowlada Imaaraadka uu la galay Heshiis lagu sii ambaqaadayo dhismaha Saldhiga Millitery.
Si kastaba ha ahaatee, DFS iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale isla wada qorsho soo celinta bilicda magaalada Muqdisho iyo Mashaariicda loogu gacan galinaayo Imaaraadka.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *